Boqol qof oo Somali ah oo sharciga lagala noqday iyo 10 la xiray ,dalka dib loogu soo celinayo…..

Dad tiradooda lagu qiyaasay dhowr Boqol oo qof oo Soomaali ah ayaa dhalashada lagala nqoday, kuwaasi oo ku nool dalka Norway, sida uu xaqiijiyay xildhibaan Baashe Maxamed Muuse oo ka tirsan Golaha Degaanka ee Oslo.

Dadkan oo isugu jira Haween, Rag iyo Caruur ayaa sharciga lagala noqday, inkastoo ay jiraan dadka qaar oo sanado Kumeel gaar ah la siiyay.

Xildhibaan Baashe Maxamed Muuse ayaa sheegay in hada ay xiran yihiin in ka badan 10 qof, oo sameeyay fal ah markii sharciga lagala noqday in ay magangelyo weydiisteen wadamo kale, kadibna loo soo diiday oo Norway dib loogu soo celiyay, sidaasina lagu xiray.

Waxyaabaha ugu waa weyn ee sharciyada loogala noqday dadkan ayaa waxaa ka mid ah in Hay’adaha socdaalka dadkan ay weydiiyaan Gobolka ay ka soo jeedaan, kaidibna ugu dambeyn la ogaanayo qofka inuu sheegto Gobol uu san ka soo jeedin, maadaama baritaano lagu sameeyo Facebookiisa, cida uu la xiriira iyo hadii ay jiro qof uu lacag u diro halka uu joogo.

Dadkan ku xiran dalka Norway ayaa la qorsheynayaa in dhowaan lagu soo celiyo gudaha dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*