Culimada Puntland Oo Bayaan Culus Soo Saaray Iyo Dowlada Oo Ay Fariin U Direen.

Culimada Puntland oo soo saaray baaq culus oo ay ku taageerayaan dowladda Puntland kadib go’aankii

Annagoo ah culimada Puntland ee ku kulantay Garowe waxaan taageersanahay hannaanka wanaagsan ee dawladda federalku wax ku wado kaasoo ku astaysan maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Waxaan hadaba baaqaan u soo gudbinaynaa madaxda dawladda federalka, madaxda dawlad-goboleedyada, baarlamaanka federalka, golaha wasiirada, culinmada

Waxaan hadaba baaqaan u soo gudbinaynaa madaxda dawladda federalka, madaxda dawlad-goboleedyada, baarlamaanka federalka, golaha wasiirada, culinmada soomaaliyeed iyo cid kasta oo masuuliyad ku leh arimaha xajka iyo cumarada.

 Wuxuu baaqayagu ka kooban yahay arimahan hoos ku qoran:

1 Waxaan taageersanahay baaqii hore ee culimada puntland u gudbisay madaxweynaha dawlada federalka xilligii uu safarka ku yimid Puntland.

2 Sidoo kale waxaan taageersanahay warsaxaafadeedkii wasiirka cadaalada, arimaha diinta iyo dhaqancelinta puntland uu jeediyey ee uu kaga hadlay arimaha xajka iyo cumrada soomaaliya.

3 Waxaan ku baaqaynaa in dawladda federalku si buuxda ula wareegto gacantana ku dhigto dhammaan arimaha xajka iyo cumrada dibad iyo daakhilba.

4 Waa inay Shacabka soomaaliyeed oo abaaro iyo colaado diloodeen helaan sinnaan iyo cadaalad kana baxaan dulmiga iyo musuqmaasuqa, si ay Rukniga islaamiga ah ee Xajka iyo cumrada u gutaan.

5 Waa in tartan furan oo xor ah ay helaan shirkadaha doonaya inay ka shaqeeyaan arimaha xajka iyo cumrada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*