Daawo dhulka ugu barwaaqaysan Puntland oo looga hayaamay halista Alshabaab.

 

Calmadow waa deegaan cilmo ahaan ka duwan magaalooyinka kale ee Soomaaliya, waxaa ku yaala dhowr tuulo, sidoo kale waa dhul dalxiiska ku wanaagsan waa dhul qabow ah oo dhulka ka sareeya wax badan, tuulooyinka sida Moon oo kale waxaa la sheegay inaysan mudo ku dhow labaatan cisho qoraxda laga arag sababtuna waa cimilida oo ah mid qabow cirkana daruuro isku camiraan.

Socdaalkeena waxaa ka bilownay Xabaasha wacle (Guryo-Samo) Moon, Mircil iyo Ragaad dhammaan qoysaska ku nool nolashooda waxay ku tiirsan tahay wax soo saarka beeraha iyo xoolaha oo noocyo kala duwan leh, intaan ku jirnay safarkeena waxaan arkay Geel, Lo, riyo iyo ido wada daaqaya dhul aad u cagaaran, sidoo kale beeraha ku yaala Cal-madow waxaa kasoo go’a khudaar kala duwan iyo geedaha miraha leh, wax soo saarka beerahan ma ahan kuwo sidii loogu talo galay uga faa’iidaystaan suuqyada ganacsiga ee magaalooyinka sababtuna waa wadooyinka soo gala oo aad u dhib badan.

Maxamuud Faarax Bulshaale wuxuu ka mid yahay dadka deegaanka wuxuu ii sheegay Cal-madow inay tahay dhulka ugu quruxda badan Puntland hase yeeshee aan laga faa’iidaysan,caqabaha ugu weyna ay tahay xagga waddooyinka oo aysan dowladdu iyo dadka deegaanka u dhashay ee hantida haystaa waxba ka qaban.

Buuraha aadka u dhaadheer ee Calmadow haddii aad doonayso inaad fuusho waxay kugu qaadanaysaa waqti dheer si aan dhakada sare ee buurahaasi u fuulo waxaan go’aan aniga iyo Tigey ku qaadanay inaan fuulno ugu danbeyntiina way noo suurta gashay, waxaa dusha sare ee buuraha ka arkaysaa dhamaan casha oo ay isku gedaameen geedo aad u dhaadheer oo qaarkood naloogu sheegay inay daawooyin yihiin.

Tuulooyinka aanu tagnay dadku waxay noogu soo dhawaynayaan si wanaagsan markaan isku sheegno inaan nahay dad u yimi inay dhulkaa barwaaqada leh arkaan, marka laga tago marti soorka oo ay qoysaska Casha caan ku yihiin, waxaad aad u jecel yihiin inaad gudbino farriimaha ay doonayaan inay gaaraan meelaha ay ku socotay, arrimaha muhiimka ah ayaa ahayd inaysan xagga waxbarashada, caafimaadka iyo jidadka ka horumarsanayn waana baahiyaha ugu horeeya ay doonayaan in wax laga qabto.

Qabowga ka dhacaya Casha ayaa mararka qaarkiisa sababaya inaysan dadka ku nool guryahooda kasoo bixin, habeen iyo maalinna waxaa lagu fooraraa dab la shiday si qabowga jira la isaga cayriyo.

Biyaha dadku cabaan waa kuwo aad u macaan waxayna ka yimaadaan illo rabaani ah oo kasoo shum-maya buuraha, xoolaha kuwaas ayay cabaan, run ahaantii deegaankaasi waa dhul ku haboon in maal-galin lagu sameeyo, in dalxiis loo yimaado.

Ugu danbeyntii waa dhul laga qadariyo warbaahinta mana arag mudaddii aan joogay wax na dhibaateeyo balse waxaan dhagta ka maqlayney in xoogag ka tirsan Al-Shabab marin u tahay deegaankan, markaa arrintaa warsadayna dadka waxay tilmaameen inaysan jirin hoy ay ku lee yihiin balse mararka qaarkood kuwo carar ah ay maraan deegaanada qaarkood.

 Cali Cabdi Ducale
Caliducale1@gmail.com

Halkaan ka daawo muuqaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*