DAAWO VIDEO-Muuse Biixi iyo Taliyihiisii Ciidanka oo Khilaaf Ka Dhex Holcayo iyo General Taani oo Codsi U Gudbistey MD Gaas iyo Siciid Dheere.

Taliyaha guud ee ciidanka Soomaaliland General Nuux Ismaaciil Taani oo farriin xasaasi ah looga soo duubay taliska ciidanka Soomaaliland ee Gooja cadde ayaa farriin muhiim ah u soo diray madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Taliyaha ciidanka Puntland General Siciid Dheere.

General Taani ayaa waxa uu sheegay in dagaal uusan faa’iido ku jirin oo loo baahan yahay in nabadda iyo deris wanaaga laga shaqeeyo, waxaa uu sheegay in ay horey xariir u lahaayeen Taliyaashii Siciid Dheere ka horeeyey oo ay ka wada hadlayeen arrimahan.

Codsiga ka soo yeeray taliaha guud ee ciidanka Soomaaliland ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maalmihii ugu dambeeyey uu soo ifbaxayey khilaaf u dhexeeya taliyaha guud ee ciidanka Soomaaliland iyo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*