DEG DEG-Madaxweyne Gaas oo Shir Gudoominaya Kulan Xasaasi ah oo Golaha Wasiiradu Yeelanayaan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shir gudoominaya shir xasaasi ah oo golaha wasiirada dowladda Puntland ay kuyeelanayaan maanta aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe loogana arrinsanayo xaaladda guud ee Puntland iyo arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Xukuumadda Puntland ayaa ka walwalsan in nidaamkaasi uu noqdo mid la hareer maro xili ay doonayso Soomaalidu in waxa lagu dhaqmaa ay tahay wax la yaqaan dibna lays kugu soo laaban karro, balse aysan aqbali doonin wax kale oo dheeraad ah.

Dhanka kalena, wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda Puntland ay saluugsan tahay qaabka ay u socdaan arrimaha siyaasadeed, taas bedelkeedana ay marar badan kala hadashay Madaxda dawladda Faderaalka, balse ay u muuqdaan kuwa aan waxba ka soconin ilaa hadda.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan banaanka u soo saaray khilaafka dhinacyada Siyaasadda iyo deeqaha la xariira ee kala dhaxeeya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaa ilaa hadda lays weydiinayaa arrimaha socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*