DEGDEG: Imaaraadka oo joojiyay tababaradii uu siin jiray Ciidamada Soomaalida

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa gabi ahaanba joojisay Barnaamijka Tababarka Millitari ee ka socday xeryaha ay ku leeyihiin Soomaaliya, kuwaasi oo la siinayay Ciidamo ka tirsan Soomaaliya.

Sababta ay Imaaraadka u joojiyeen Barnaamijyadii Tababareed ee Soomaaliya ayaa Wakaaladda wararka ee ka soo baxda dalkaasi ee WAM ay ku sheegtay inay kaga jawaabeyso lacagtii 9.6 Milyan aheyd ee Ciidanka Sirdoonka Soomaaliya ay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku qabteen 8-dii bishan.

warkan kasoo baxay dowlada Imaaraadka Carabta ee ku saabsan in ay joojiyeen tababaradii iyo howlihii dhanka militariga ay ka wadeen Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli uu cirka isku sii shareeray khilaafka u dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraadka ayaa sanadii 2014-kii Soomaaliya u soo dirtay Tababarayaal Ciidan, kuwaasi oo tan iyo xilligaa tababaro kala duwan iyo qalab Millitari ku taageerayay Ciidamada Soomaalida inkastoo dhowr jeer oo hore Imaaraadka Carabta lagu eedeeyay in ciidamada ay tababareen kaliya ay yihiin kuwo fuliya danaha u gaarka ah isla markaana aan hoos-tagin talisyada kala duwan ciidamada milatariga Soomaaliya.

Puntsom 2018

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*