DHAGEYSO: Loolanka Wadamada UAE, Turkiga & Qadar oo halis galinaya Qaranimada iyo Sharafta Ummadda Soomaaliyeed?

Loolanka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya wadamada Imaaraatka Carabta, Qadar & Turkiga ee ay isku hayaan Soomaaliya ayaa halis laga cabsi qabaa in uu galiyo daganaanshaha iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed, xili si weyn loogu kala aragti duwanaaday.

Is balaarinta dhinacyada ee Mashaariicda horumarineed ay siyaasadooda ku fashunayaan ay ka wadaan gudaha dalka ayaa cabsi laga qabaa in uu keeno daganaansho la’aan baahsan oo dhinacyo badan saameeya.

Xagga dekedaha welwelka ugu weyn ayaa ka taagan, maadaama dhinacyadu ay aad iskugu ahaayaan arrimahan, gaar ahaana Dekedaha Boosaaso, Berbera, Muqdisho, Kismaayo & Baraawe oo ay dhinacyadan isku hayaan.

Haatan Somalia waxey dhexda kaga dhacday hardan u dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo dhinac ah iyo Qatar oo taageero ka heyleysa Turkiga oo dhinac kale ah.

Warbixin dheer oo ay arrintan ka qortay wakaaladda Wararka ee Reuters waxaa inoo soo koobaya Xuseen Barre Aaden.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*