DHEGAYSO-Garaad C Cali Ciid,”Muuse Biixi Hadduusan Ka Bixin Ciidankiisa Tukaraq Dagaal Ka Fursan Mayso”.

Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo waraysi gaar ah siinayey Radio Garoowe ayaa waxa uu si kulul uga hadlay dagaalka ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid ayaa waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu yahay daandaansi iyo duulaan qaawan oo ay Soomaaliland ku soo qaaday dhulka Puntland aysana marnaba ku dacwoon karin dhul uu Ingiriisku siiyey.

Afhayeenka ayaa waxa uu tilmaamay in Soomaaliland ay masuul katahay wixii khasaare ka dhasha dagaalada Tukaraq, xalka kaliya ee nabadeedna uu yahay in Soomaaliland ay ciidamadeeda ku soo duulay kala baxdo deegaamada kala duwan ee gobolka Sool.

Sidoo kale, Garaadka ayaa waxa uu sheegay in haddii Soomaaliland ay diido inay ciidankeeda la baxdo aysan ka fursan doonin dagaal iyo in dhiig ku daato sidii looga soo celin lahaa deegaamada ay gacanta ku hayso Puntlandna ay masuuliyadi ka saaran tahay.

Halkaan ka dhageyso garaadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*