Gobolka Bari: Duqeyn dhanka cirka ah oo lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan Africom ayaa sheegay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen meel magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari u jirta illaa 26 mile.

Duqeyntan oo dhacday 2-dii bishan June ayuu Mareykanka sheegay inuu ku dilay 27 ka tirsan Al-Shabaab.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in aanay jirin wax khasaare ah oo duqeynta ka soo gaartay Al-Shabaab.

Puntland ayaa dhowaan sheegtay weerar ay ku qaaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen illaa 41 dagaalame.

Al-Shabaab ayaa 2-dii bishan weerar ku qaaday saldhig Ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Balli Khadar, waxaana la rumeysan yahay in weerarkaas kadib ay dhacday duqeynta uu Mareykanka sheegay inuu ku dilay 27 dagaalame ka tirsan Shabaab.

Mareykanka ayaa horay weeraro cirka ah oo ka dhan ah Ururka ISIS iyo Al-Shabaab ka fuliyay buuraha deegaanada gobolka Bari.

Xafiis wareedka Puntsom Boosaaso

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*