Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Kuntuwaarey Oo Beeniyay War Ka Soo Baxay Ciidanka Dowlada Federaalka

Gudoomiyaha degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Sh/Hoose Muxudiin Khaliif Caliyow  ayaa beeniyay in degmadaasi lagu dilay Xubno sar sare oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kadib markii Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ay sheegeen in howlgalka ay si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo Mareynkan ah ay ku dileen  12 Dagaalame iyo Labo sarkaal oo Al-shabaab ah.

Sidoo kale ciidamada  waxa ay howlgalka ku dileen wiil uu dhalay Hogaamiyaha  Maleeshiyada Al-shabaab.

ragga la dilay  waxaa la socday  wiil uu dhalay  hogaamiyaha Al-shabaab Axmed diiriye Abuu Cubeyda kaasi oo Magaciisa ay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay ku sheegeen Xasan Ahmed Diiriye Abuu cubeyda kaasi oo ciidamada ay ku dileen Howlgalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*