Howlgal ay ka qeyb qaateen Ciidamo Mareykan ah oo xalay laga fuliyay Deegaanka…

Ciidamada Kumaandooska Dowlada Soomaaliya ay la socdeen Ciidamo Mareykan ah ayaa lagu soo waramayaa in xalay howlgal ka fuliyeen Deegaan u dhaxeeya Degmada Afgooye iyo Bariiri.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada howlgalka fuliyay ayaa watay diyaaradaha nuuca Qumaatiga u kaca, waxa ayna ciidankan howlgalka xoogiisa ka fuliyeen deegaan ku dhaw Bariire oo lagu magacaabo Macalinka.

Dadka ku dhaqan deegaanka Macalinka ayaa ku waramaya in ay maqlayeen rasaas xoogan iyo qaraxyo ay u maleenayaan in ay ahaayeen duqeyn, waxa ayna sheegeen in howlgalka dhacay xalay Saqdii Dhaxe xili ay dadku jiifeen.

Warbaahinta afka Al Shabaab taageerta ayaa qortay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ay dileen shan qof oo beeraley ah kuwaa oo la socday gaari Cagaf cagaf ah oo waday Qudaar sida ay sheegeen.

Dowlada Soomaaliya iyo Mareykanka ayaan wali ka hadlin howlgalkan xalay ciidamada wada jira ka fuliyeen Deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ciidankan horey howlgalo kala duwan uga fuliyeen degmooyin iyo deegaano katirsan Sh/ Hoose.

Puntsom 2018

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*