Madaxwayne Farmaajo oo doorashadii Madaxwaynaha Turkiga Ordagen ku tilmaamay mid Somaaliya……

Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhambaal Hambalyo u diray dhigiisa dalka Turkiga Rejeb Dayib Ordagan oo guul taariikhi ah ka gaaray doorashadii waqtigeeda laga soo hormariyey ee kadhacday maanta dalka Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in Shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed ay Hambalyada iyo farxadda la qeybsanayaan walaalahooda Turkiga oo ay garab iyo gaashanba isku yihiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in guusha Madaxweyne Ordagan ay tahay guusha Soomaaliya, waxaana lagu macneeyey in nidaamka Hay’addaha dawliga ah ee dalka Turkiga sal adag loo taagay, taasna ay tahay mid farxad-galinaysa Shacabka Soomaaliyeed.

“Hambalyo Mudane Madaxweyne, Shacabka Soomaaliyeed waxay kuugu hambaleynayaan guusha Taariikhiga ah ee ay gaareen Shacabka iyo dawladda Tukriga, waxaana ku leeyahay Hambalyo, anoo ku hadlaya Afka Jamhuuriyada Faderaalka ee Soomaaliya’’ ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan. 

Madaxweyne Ordagan ayaa saaxiib dhaw la noqday Soomaaliya, wixii ka dambeeyey sannadkii 2011-kii oo ay Turkigu noqdeen cidda kaliya oo gurmad walaalnimo u fidisa Shacabka oo ay ku dhufteen abaarihii ugu balaarnaa, wixii xiligaas ka dambeeyey wuxuu Turkiga garab siinayey Hay’addaha Dastuuriga ah ee Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*