Ra,iisulwasaare Qeyre Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Khilaaf Ka Dhex Jiray Banaanka Yimid Iyo Xalintoodii Oo La Wado

Warar laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in khilaafka u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre uu yara qafiifay markii ay dhex geleen Xildhibaan iyo Siyaasiyiin caan ah.

 Khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa salka ku hayay Arrimo dhowr oo ay uga darneyd qalab Imaaraadka uga xayirnaa Dekadda Muqdisho oo inta uu Ra’iisal wasaare Kheyre tagay ogaal la’aan ku fasaxay.

Arrintaasi ayaa ka sii dartay Khilaafka Labada mas’uul ee ugu sareysa dalka,waxaana hadda warar La heleyso y sheegayaan in xaalada yara qaboobday,islamarkaana inta badan xalinteeda lagu guuleystay.

Xildhibaano si aad ugu kala dhow Xafiisyada Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa arinta galay waxay ku qanciyeen iney muhiim tahay in wax waliba danta ummmada Soomaaliyeed laga eego.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*