Shir Looga Hadlayo Qeyraadka Soomaaliya Oo Ka Dhacayo Nairobi.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cali Xaashi ayaa ka hadlay shir ku saabsan Kalluumaysiga Soomaaliya oo ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in kulankani oo ay ka qayb galayaan qaar ka mid ah maamullada Dalka lagu jeex-jexi doono sidii looga faa’iideysan lahaa kalluunka iyo sidii barnaamijyo shaqa abuur ah loogu samayn lahaa Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Isaga oo la hadlayay VOA-da ayaa intaasi raaciyay in ay Nairobi ku yeesheen kulan looga hadlayay wixii ka soo baxay shir ay 10-kii Febaraayo ee Sanadkan ku yeesheen Muqdisho madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, kaasoo ku saabsanaa sidii loo wadaagi lahaa kheyraadka dalka.

“Waxey ku heshiiyeen meeshii saami ahaan wax loo qaybin lahaa in lacagta oo dhan Bankiga dhexe lagu shubo, oo marka dambe iyagu iyagoo dhan oo wadar ah ay go’aan ka gaadhaan, marka laba arrimood un bay ku heshiiyeen in dakhligaa loo Isticmaali doono, mid waxaa weeye in arrimaha amniga wax looga qabto , tan Labaadna waxa weeye sidii dhaqaalaha waddanka loogu dhisi lahaa’ ayuu yidhi Mr Xaashi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*