Shirkii Amniga Qaranka oo Goordhowayd Baydhabo ka furmay

Magaalada Baydhaba waxaa goordhowayd ka furmay shirka amniga Qaranka, kaas oo ay ka qeybgelayaan Madaxda ugu sarreysa dalka, kuwa Maamul Goboleedyada iyo Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Soomaalida.

Waxyaabah diirada lagu saarayo shirka isla markaana looga hadlayo waxaa kamid ah xaalada guud ee amniga dalka,Isku dhafka Ciidanka iyo bixinta mushaharaadka iyo hirgelinta Nidaamka Federaalka dalka,waxaana madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ay isla meel dhigayaan qorshaha iyo ajendaha mideysan ee ay la hortagayaan Shirka isna lagu wado in uu ka dhaco Brussels oo ay ka qeybgalayaan Waddamada taageera Soomaaliya.

Waa shirkii Labaad ee ay yeeshaan madaxda heer qaran iyo maamul goboleed ,waxaana uu dhacaa saddexdii biloodba ,waxaana la filayaa in uu socdo mudo labo maalmood ah.

Amaanka goobta uu shirku ka dhacayo ayaa aad loo adkeeyay iyadoona la geeyay ciidamo isugu jira nabad sugid,boolis,iyo Milatari

Puntsom 2018

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*