Dhageyso: Soomaaliya iyo Imaaraadka Oo wada hadal uu u furmay [Yaa dhex-dhexaadinaya]

Bosaso-[Puntsom]-Dowlada Soomaaliya ayaa si hordhac ah u sheegtay in ay wada hadal la fureen dowlada Imaaraadka carabta.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan magaalada Dahraan ee Dalka Sacuudiga isla markaana ka mid ah wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo kana qeyb galaya shir-madaxeedka jaamacadda Carabta ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA  in ay wada hadal la leeyihiin Dowlada Imaaraadka Carabta.

Wasiir Cawad ayaa hadalkiisa intaa ku daray in aysan jirin dowlad dhexdhexaadinaysa haatan iyaga iyo Imaaraadka Carabta isaga oo  been abuur ku tilmaamay dacwad la sheegay in Imaaraadka ay u gudbiyeen dowlada Sacuudiga taa oo ka dhan Dowlada Soomaaliya.

dhanka kale Wasiirka arimaha Dibada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay ajandaha shirka madaxda wadamada ku bohoobay Jaamacad Carabta ay ku leeyihiin Dalka boqortooyada Sucuudi Carabiya kaas oo looga hadlayo xaaladaha ay ku sugan yihiin wadamo badan oo kamid ah ururka Jaamacada Carabta.

hadalkan kasoo yeeray  Wasiirka arimaha dibada DFS Axmed Ciise  Cawad ee ah in ay wada hadal la leeyihiin dowlada Imaaraadka Carabta ayaa kusoo beegmaya xili dowlada Imaaraadka Carabta ay gabi ahaanba joojisay Barnaamijyadii Tababarada iyo taakuleynta ciidanka ay ka wadeen dalka Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso Codka wasiir cawad

Puntsom 2018

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*