Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Maanka Kulan Xasaasi Ah Ooga Doodayo Arinka Dp World Iyo Weerarkii Cabdi Qeybdiid Lagu Qaaday Gurigiisa

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulankoodii ugu horeeyay tan iyo markii ay fasaxa ka soo laabteyn ku yeelan doona Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka Maanta ayaa waxaa looga doodi doonaa Xeerkii shalay ay ansixiyeen Golaha Shacabka e dalka looga mamnuucay Shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Kulanka Maanta ee Aqalka Sare ayaa ah mid xasaasi ah,waxaana dood kadib la la filaya in Golaha Shacabka ay ku raacaan Go’aankii DP World dalka looga mamnuucay.

Xeerkan ayaa markii uu soo maro Xubnaha Aqalka Sare,waxaa loo gudin doonaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo si uu u saxiixo,intaasi kadibna ay Shirkada DP World Wadanka isaga bixi doonto.

Warar kale aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale Xildhibaanada Aqalka Sare ay ka doodi oonan kiiska weerarkii Guriga Senotar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*