XOG XASAASI: Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo la ogaaday iney wada hadal kula jiraan Dowladda Somalia

Sida aan xog hoose ku helnay, xubno sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ayaa haatan waxay wadahadal kula jiraan dowladda federaalka Soomaaliya.

Xubnahan ayaa u badan saraakiil walibana kasoo jeedda dhanka gobolka Gedo, waxayna si toos ah ula hadlayaan dowladda madaxweyne Farmaajo.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo shegay in tiro ahaan ragga ay yihiin 32 oo u badan saraakiil aad looga yaqaano Jubbooyinka iyo Gedo.

Waxay ka faa’ideysanayaan cafiskii uu sheegay in madaxweyne Farmaajo loo fidin doono cid walbo oo Al-shabaab ka tirsan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*