Yaa isku aaday semi-finalka Champions league [ AKHRISO]

Dalka Switzerland ayaa waxa ka dhacay qori tuurka isku aadka afar dhammaadka ama Semi-finalka tartanka kooxaha horyaaladda QaaraddaYurub ee Champions League-ga.

Tartanka ayaa waxaa horey ugu soo baxay afar naadi oo ka kala socda dalalka Egland, Spain, Italy iyo Germany oo kala ah Liverbool, Real Madrid, Roma iyo Bayer Munich.

kooxda Liverpool ayaa la kulmi doonta Roma oo siddeed dhammaadkii si  la yaab leh uga soo baxday Barcelona ,  iyadoo Mohamad Salah uu la ciyaari doono naadigiisa hore.

Kooxda Real Madrid ayaa  la kulmi doonta Bayern Munich oo sanadkii hore isku arkay siddeed dhamaadka tartankan markaas oo ay soo baxday naadiga Real Madrid.

Kulamadan ayaa lugta hore la ciyaari doonaa 24-ka iyo 25-ka April, halka lugta labaad la ciyaari doono 1-da iyo 2-da May 2018.

Weriyaha dhanka ciyaaraha Cabadalla Daad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*